Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xassan Shiikh oo shacabka soomaliyeed ugu hambalyeyay bilashada Bisha Ramadan,

isniin-11-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu yiri Madaxweynaha

Xassan Shiikh ayaa sheegay in Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan ay xambaarsan tahay khayr badan.

“Waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan. Si aan uga faa’iideysanno Bishan barakaysan waa in aan ugu horreyn isu-qalbi xaarnaano oo aan iscafino, qofkastana uu walaalkiis kale la jeclaadaa wanaag iyo horumar” ayuu yiri Madaxweynaha

Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambayn dhankeeda ka xaqiijisay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

WARARKA