Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ruushka oo gantaallo ku garaacay meel u Magaalada Odesa

Khamiis March 7, 2024 {HMC} –  Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu la kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen.

Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada.

Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkii maanta.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaan”, isagoo sheegay in Moscow ay “ama waalatay ama aysan xakameynin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ah”.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Giriiga ayaa yiri “waxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay meel noo dhow, ma aanan helin waqti aan ku gaarno gabbaad”.

“waa xaalad aad u daran… Runtii way ka duwan tahay in dagaalka lagu akhriyo wargeysyada, oo aad dhegahaaga ku maqasho, indhahaaga ayaad ku arkaysaa,” ayuu raaciyay.

WARARKA