Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yeman oo Gantaalo Ku Weeraray Markab Marayay Gacanka Cadmeed

Khamiis March 7, 2024 {HMC} – Labo nin oo badmaaxiyiin ah ayaa ku dhintey kadib markii kooxda Xuutiyiintu ay gantaal la heleen markab ganacsi oo marayay gacanka Cadmeed.
Saraakiisha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa sheegay, inay tahay dhimashadii ugu horreysay ee la soo weriyo tan iyo markii kooxda Yemen ee xulafada la ah Iran ay bilaabeen weerarro ka dhan ah maraakiibta mareysa mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka ee badda.

Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu qaaday markabka True Confidence ee Barbados, lagana leeyahay dalka Giriiga, kaasoo ku gubtay meel qiyaastii 50 nautical miles (93km) u jirta xeebta dekedda Cadan ee dalka Yemen.

“Ugu yaraan 2 badmaaxayaal ah oo aan waxba galabsan ayaa dhintay. Tani waxay ahayd natiijada murugada leh balse lama huraanka ah ee ka dhalatay Xuutiyiinta oo si taxadar la’aan ah gantaalada ugu riday maraakiibta caalamiga ah.”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigey barta X ee qunsuliyada Ingiriiska dalka Yemen.

“Howlgalka bartilmaameedka ayaa yimid ka dib markii shaqaalaha markabka ay diideen fariimaha digniinta ah ee ka imaanaya ciidamada badda Yemen,”ayuu yiri afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarea.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bartamihii bishii Nofeembar si isdaba joog ah u billaabay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, iyagoo sheegay inay garab istaagaan Falastiiniyiinta oo ay uga soo horjeedaan dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza.

Weerarada Xuutiyiinta ayaa hakiyay maraakiibta caalamiga ah, taasoo ku qasabtay shirkadaha inay dib ugu laabtaan safarro dhaadheer oo qaali ah oo ay ku maraan Koonfurta Afrika.

Inkastoo in ka badan bil iyo bar duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanku uu ku qaaday Xuutiyiinta, haddana kooxda ayaa weli awood u leh inay qaado weeraro.

WARARKA