Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Masar oo ka digtay halis ku soo wajahan Somalia kadib markii……

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Sameh Shoukry ayaa ka digey in gobannimada iyo dhowrsanaanta dhuleed ee Soomaaliya uu halis dhab ah ku jiro.

Hadalkan ayuu Wasiirku ka sheegay kulan wadatashi ah oo ay yeesheen Masar iyo dowladaha ku bahoobay Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) oo ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Samiix Shukri ayaa intaas ku daray in halistani ay Soomaaliya kaga imaaneyso dalka Itoobiya oo is-afgarad la galay Somaliland, si ayuu yiri ay marin ugu hesho Badda Cas, taasoo uu tilmaamay nacasnimo ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay masar uga soo horjeeddo tillabadan oo uu ku tilmaamay mid loogu gafey gobanimada dal Carbeed, isla markaana meel ka dhac ku ah Axdiga Qaramada Midoobey.

WARARKA