spot_imgspot_imgspot_img

Hadii ay Jaraan Xuutiyiinta xargaha internerka ee badda hoosteeda mara Sameeyn intee la eg ayuu ku yeelanayaa Soomaaliya?

Talaado– 05-March,-2024-{HMC}  Sida ku cadda xogta rasmiga ah ee ku jirta bogga rasmiga ah Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa ilaa afar fiilo oo ah kuwa fiber optic-ga.

Xargaha badda hoosteeda ee fiber optic-ga ee Soomaaliya laga isticmaalo oo afar ah ayaa lagu kala magacaabaa Gulf2Africa, DARE, Peace iyo Eassy. Marka laga reebo Eassy oo gabi ahaanba ku wareegsan qaarada afrika, saddex kale waxaa ay ku dhamaadan geeska ayga oo soo mara badda cas.

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa BBC-da u sheegay inkasta oo Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunida inteeda kale haddana ay filayaan in kooxdu aysan ku dhiirran karin fulinta weerar noocaas ah.

“Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga” ayuu yir wasiirka oo BBC-da u warramay.

Inkasta oo uu jiro walaac heer calami ah hadda wasiirku waxa uu tillmaay in Xuutiyiinta aysan lahyeen awoodda ay ku jaraan xargaha mara bada hoosteeda.

“Ganacsi fara badan iyo isgaarsiinta aduunka ayaa ku xiran habsami u socodka xargahaan, waana na samaaynaysa hadii ay dhacdo, laakin awooddaas kooxdu ma lahan” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya

“Aqoon tiknoolajiyadda oo heerkaas gaarsiisan kooxdu ma lahan marka waa ay ku adkaan doonta in wax badan ay sameeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sanadkii 2017-kii markii ay cilad ku timid fiilada Fibre Optic ee badda hoosteeda ee laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaqaale oo weyn, sidii ay xilligaasi sheegtay Dowladda Soomaaliya.

WARARKA