spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliland oo Itoobiya kala hadlay muran xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Rooble Muuse Cabdi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka, iyadoo la eegayo khataraha soo food saartay Somaliland, oo ay ka mid yihiin khilaafyada dhinaca xuduudaha ee kala dhexeeya maamulka SSC-Khaatumo.

Saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa ka soo laabtay Magaalada Oog ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, iyadoo ay wararku sheegayaan in Somaliland ay saanad Milatari ka heshay Itoobiya.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay Itoobiya ku doonayso inay ku hubayso maamulka Hargeysa, iyagoo uga digay inay isku dayaan inay weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo.

Xoghayaha Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo Daahir faarax ayaa yiri: “Waxaa la ilaalin doonaa xoogna la saari doonaa xudduudaha SSC-Khaatumo Sidii uu Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ballanqaaday”.

 

WARARKA