Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xubno ka tirsan kooxda AS oo xalay Nabadoon ku dilay Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

isniin– 04-March,-2024-{HMC} Koox hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Burdheere Saciid oo katirsan degmada Dayniile, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kooxda AS iyo ciidan deegaanka joogay.

Weerarka AS ku qaadeen deegaanka Burdheere Siciid ayaa lagu dilay nabadoon dhawaan deegaankaasi lagu caleemo saaray oo lagu magacaabayay Cabdi Xasan Muxidiin iyo nin kale oo ilaalo u ahaa.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka deegaanka ayaana iska caabiyay kooxdii weerarka kusoo qaaday, waxa ayna halkaasi ku dileen mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday, iyaga oo sidoo kale nolosha ku qabtay labo kamid ah kooxda AS.

Xarunta dambi baraista CID-da ayaa saakay la geeyay meydadka nabadoonka la dilay iyo ninkii ilaalada u ahaa, waxaa sidoo kale xarunta CID-da la geeyay meydka ninkii AS katirsanaa ee isna weerarka lagu dilay.

Ciidanka dowladda ayaa saakay howlgalo kawada deegaanka Burdheere Siciid ee degmada Dayniile, waxa ayna halkaasi ka raadinayaan raggii AS katirsanaa ee xalay weerarka kusoo qaaday deegaankan katirsan Dayniile.

WARARKA