Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh oo saxiixay sharci cusub

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Qaxootiga iyo Magangalyodoonka.

Sharcigan muhiimka ah ayaa waxaa uu ka hadlayaa xuquuqda Qaxootiga iyo Magangalyodoonka iyo waajibaadka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalintooda.

Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka waxaa ay golaha shacabka ansixiyeen September 13, 2023 halka golaha aqalka sare ay meelmariyeen January 16, 2024-ka.

WARARKA