Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxamed Abuukar Subeyr Xoghayihii Joogtada Ahaa ee Re,isulwasaaraha Soomaaliya oo is Casilay

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa qoraal dheer uu soo saaray maanta oo Axad ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xukuumadda u yahay.

Qoraalka uu soo saaray Maxamed Abuukar Zubeyr ayuu ku sheegay in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbadanna kala soo shaqeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta is-casilaada Zubeyr ay ku timid cadaadis kaga yimid xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana marar badan la sheegay in ay jireen isku dhacyo iyo khilaafaad u dhaxeeyay xoghyaha iyo madaxda ka sarreysay.

WARARKA