Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xamsa Cabdi Barre, oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa diiradda waxaa lagu saaray hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Abdullah Salem Al Nuaimi, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

WARARKA