Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wiil Soomaali ah oo Toorey lagu dilay dalka Jarmalka.

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Allaha u naxariisto wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ahna 24 sano jir ayaa lagu dilay magaalada Gummersbach gobolka Nordrhein-Westfalen ee dalka Jarmalka.

Fiidnimadiii Jimcada ayaa la sheegay in marxuumka mindi la geliyay isagoo ku sugan Xarunta Tareemada laga raaco ee magaalada.

Waxaa la isku dayay in la badbaadiyo, iyadoo loola cararay isbitaal balse nasiib xumo way suura geli weysay oo waa geeriyooday.

Booliska Jarmalka oo howlgal sameeyey ayaa 24 saac ka dib gacanta ku soo dhigay Ninkii dilay marxuumka oo aan la ogeyn jinsiyadiisa iyo sababta uu dilay.

Saraakiisha Booliska Magaalada Gummersbach ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan dilkan oo dhinaca kale ay si weyn uga xumaadeen Soomaalida ku nool Jarmalka.

WARARKA