Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Warfaafinta, Soomaaliya oo ka qeybgaley aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania

Axad – 03-March,-2024-{HMC} Wasiirka Warfaafinta, Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu Jasiiradda Zanzibar ee Jamhuuriyadda Tanzania uga qeybgaley munaasabadda aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania Allah u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi.

Hogaamiyaha ayaa geeriyooday maalintii Khamiista oo taariikhdu ay ku beegneyd 29 February.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan iyo shacabka Tanzania la wadaagey tacsi uu ka siday Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud.

Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi waxaa uu Tanzania Madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 1985 ilaa 1995kii.

WARARKA