Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Midowga Afrika oo cambaareeyay duqayn lala eegtay Falastiiniyiin raashin saf ugu jiray

Sabti – 02-March,-2024-{HMC} Hogaanka ugu sareeyo Ururka Midowga Afrika ayaa maanta cambaareeyay duqayn lala eegtay Falastiiniyiin raashin saf ugu jiray.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay dilka ballaaran ee loo geystay dadka Falastiiniyiinta ah ee safka ugu jiray gargaar bini’aadantinimo.

 

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mousa Faki Mahamat wuxuu si adag u camaaraynayaa weerarka ciidamada Israa’iil ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 falastiiniyiin ah oo raadinayey gargaar naf badbaadin ah woqooyiga Qasa eee la haysto kaas oo dhacay Khamiistii 29 Febraayo 2024” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddigu.

 

Ururka ayaa ku baaqay in baadhitaan degdeg ah la sameeyo si loola xisaabtamo cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilka dadka rayidka ah.

WARARKA