Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Baarlamaanka Ghana oo ansixiyay sharci ka dhan ah LGBTQ+

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} – Baarlamaanka dalka Ghana ayaa si qarsoodi ah u meel mariyay sharci lagu muransan yahay oo ka dhan ah bulshada la isku yiraahdo LGBTQ+, kaasoo saddex sano oo xarig ah ku xukminaya ragga isku jinsiga ah ee isu galmooda iyo shan sano oo xabsi ah oo lagu muteysanayo buunbuuninta howlaha

LGBTQ+.

Sharcigan ayaa aad loo cambaareeyay laguna sheegay inuu meel uga dhacayo xuquuqda bulshadan dalkaais looga tirada badan yahay.

Ghana waa dalkii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee soo saara sharci ka dhan ah bulshadan kaddib Uganda.

WARARKA