Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Askari gabar ardayad ah ku dilay Magaalada Garoowe

Talaado  27 Feb, 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland uu dil u gaystay gabar ardayad ahayd.

Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday.

Sida uu BBC-du u xaqiijiyey taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, askariga dilka gaystay ayaa boolisku gacanta u dhigeen.

Wuxuu intaaas ku daray in wali baaritaan socdo sababta dhimashada gabadha.

Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka mida jaamacadaha ku yaal magaalada Garoowe

WARARKA