Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya iyo ingiriiska oo kawada Hadlay Aqoonsiga Baasaborka Soomaaliya.

Jimca 23-Feb-2024 {HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Axmed Siciid Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

WARARKA