Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Turkiga Kayiri Hishiiska Bada aay Lagaleen Soomaaliya?

Jicma 23-Feb-2024 {HMC} Mas’uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga oo sharraxada ka bixinayay heshiiska ay la galeen Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Ankara ay tababar siinaysay ciidamada Soomaaliya in ka badan toban sano.

Mas’uulkan ayaa sheegay in heshiiskan hadda looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Haddii ay naga codsato Soomaaliya, waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda, sidii aan u sameynay dhinaca la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay noqday saaxiibka dhow ee dowladda Soomaaliya. Ankara waxay ka dhistay qaybo ka mid ah dalka iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna Soomaaliya ay ka heshay Turkiga deeqo waxbarasho oo keenya in Soomaali badan ay dalkaas wax ku bartaan.

WARARKA