Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Awooddii nukliyeerka ee Dalka Ghana oo dib dhacday

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Awoodda nukliyeerka ayaa fure u ah in Gana ay u gudubto waxa loo yaqaan tamarta cagaaran, hase yeeshee beddelkan ayaa dib u dhac la kulmay, sarkaal sare ayaa BBC u sheegay sidan mar uu ka jawaabayey su’aal ku aaddan cimilada.

Dalka Galbeedka Afrika ayaa doonaya in hal ama laba warshadood oo Nukliyeerka ah ay shaqeeyaan halka lagu gaadho sannadka 2030-ka.

Laakiin Stephen Yamoah, oo ah agaasimaha fulinta ee tamarta Nukliyeerka ee ay dowladdu maamusho, ayaa sheegay in waddanku uu dib uga dhacay waqtigii loogu talagalay, go’aanka ugu dambeeyana ay ahayd in la gaaro bilo ama xitaa sannado ka hor.

“Waxay ahayd in aynu hadda bilowno dhismaha, laakiin waxaan wali ku hawlannahay inaan aqoonsanno iibiyaha [saxda ah],” ayuu yiri madaxa tamarta nukliyeerka.

Dib u dhacyada waxaa keenay “dhaqaale” halkii ay ka ahaan lahaayeen “arrimo farsamo”, ayuu yiri Mr Yamoah.

Dowladda Gana ayaa wadahadalo kula jirtay Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka sidii loo dhisi lahaa warshadda Nukliyeerka, ayuu raaciyay.

WARARKA