Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dad ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku yaalo Venezuela.

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Ugu yaraan 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kaddib marki tiro kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki uu kusoo dummay god ay si sharci darro ah dahab uga qodayeen, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha dowladda Venezuela.

Guddoomiyaha gobolka Bolivar ee bartamaha Venezuela, Angel Marcano ayaa u sheegay wariyaasha maxalliga ah, in godka laga soo saaray 14 meyd iyo 11 dhaawac ah, isla markaana ay jiraan dad wali ku go’doonsan.

Wuxuu kaloo sheegay in ay wadaan howlaha gurmadka ah ee lagu samata-bixinayo dadka ku go’doonsan godka dahabka laga qodayay ee soo dumay.

Goobta uu shulka ka dhacay ayaa ku taalla degmada Angostura, waana deegaan lagu tago doon waqtigeeda qaadanayo muddo saacada ah. Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday dowladda in ay keento diyaarado heli-kobtarro ah si loo qaado dadka dhaawaca ah.

WARARKA