spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Israel oo Gaza Ku Duqeeyey Gawaari gargaar Siday

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC}  Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay oo sahay cunto muhiim ah u siday bartamaha Gaza, ka hor inta aysan ugu dambeyntii joojin gawaarida xamuulka ah ee u socda dhinaca waqooyiga ee dhulkaas, halkaasoo Falastiiniyiintu ay qarka u saaran yihiin macaluul.

CNN ayaa aragtay waraaqo u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo militariga Israel oo muujinaya wadada kolonyada ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ka hor duqeynta.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo diyaarisay UNRWA oo ah hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza, gaariga la duqeeyey ayaa ka mid ahaa kolonyo 10 gaari ka kooban oo fadhiyey meel ay ciidamada Israel ku sugan yihiin markii rasaasta lagu furay.

Ma jiro qof ka mid ah kolonyada oo waxyeelo soo gaartay, laakiin in badan oo ka mid ah gargaarka oo u badnaa burka sarreenka oo si ba’an loogu baahi qabo in lagu dubo rootiga ayaa la burburiyay.

“Kolonyo cunto ah oo saarnayd, kuna sii jeeday qaybaha woqooyi ee marinka Qaza. Kolanyadaas oo ku sii jeeday waxa aan ugu yeerno aagga dhexe, ayaa lagu dhuftay gantaal. Mid ka mid ah gawaaridii sahayda siday ayaa waxaa ka kacay dab,” ayuu yiri Juliette Touma, oo ah agaasimaha isgaarsiinta caalamiga ah ee UNRWA.

Ciidamada Difaaca Israa’iil kama aysan jawaabin eedeymaha ku saabsan duqeyntan. balse waxay sheegeen inay eegayso dhacdada ama ay baareyso.

Waa mid ka mid ah weeraro badan oo lal beegsaday kolonyada gargaarka, iyo sidoo kale bakhaarro lagu keydiyo gargaarka lagu dhufto tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Israa’iil ayaa duqeymo iyo duullaan dhanka dhulka ah ku qaaday Marinka Qaza ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 1,200 oo qof, in ka badan 250 kalena ay qafaasheen. In ka badan 29,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay marinka gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

WARARKA