Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Axmed Madoobe oo furay Shir u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah-furay shirka 2-aad ee golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta lagu qabtay Aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee baddeenu ay hodanka ku tahay iyadoo hormarinta iyo maalgashiga khayraadkaas kala duwan ay wax weyn ka tarayaan hormarka dhinacyada badan ee dalkeenna.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad bulsho oo lagu kobcinayo awoodaha kalluumaysiga maxaliga ah ee shaqo abuurka u ah dadweynaha ku nool deegaanada xeebaha ah.

Shirkan maanta ka furmay Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer federaal, heer Dowladaha xubnaha ka ah JFS iyo gobolka Banaadir.

WARARKA