Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Booqday Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyed.

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane. Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/guuto. Sulub Axmed Firin.

Booqashada Madaxweynha Soomaaliye ee Taliska Ciidanka, ayaa ah u kuurgalka howlaha shaqo ee Ciidanka Boliiska ay u hayaan, Madaxweynha Soomaaliya xasan shiikh Maxamuud, ayaa Kormeeray qaar ka mid ah Hogaanada ee taliska Ciidanka.

kormeerka ka dib Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay saraakiisha Hoggaanada iyo Taliyaasha saldhigyada Gobolka Banaadir waxa uuna kala hadalay dar dar galinta Howlaha Bulshada u hayaan, Madaxweynaha ayaa dardaaran iyo boqgaadin isagu daray Saraakiisha.

WARARKA