spot_imgspot_imgspot_img

Midowga afrika oo War ka so Saaray xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa, waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Midowga Afrika ayaa sida lagu sheegay warmurtiyeedka “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024”.

 

Waxaa kalo lagu qoray war murtiyeedka “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.

 

Midowga Afrika wuxuu “ugu baaqayaa labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidi xal nabadeed loogu helilahaa arrinta”.

WARARKA