Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Ammaanka Q M oo Yelaneysa shir looga hadlayo Soomaaliya.

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maalinta berri ah Kulan gaar ah ka yeelanaya Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu xaqiijiyay Kulankaasi Golaha Ammaanka ee Xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka uu soo saaray Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee Xaaladda Soomaaliya uu qabsoomi doono Maalinta Isniinta ah ee 19 Febraayo 2024.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya 6:00 galabnimo waqtiga Muqdisho maalinta Isniinta oo ku beegan 19-ka Febraayo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Kulanka waxa sidoo kale warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ka jeedin doonta Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing.

WARARKA