spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka ATMIS oo bartamaha sanadkan 2024 laga dhimayo tiro badan

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Waxaa soo gaba gaboobay qorshaha dhimista ciidamada Midowga Afrika ee heerarka 1aad iyo 2aad waxaana qorshaha uu yahay in bisha Juun 2024 laga yareeyo 9,500 oo Askari sida uu yahay Qorshaha lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay meertada 37aad ee Golaha Midowga Afrika ayaa sheegay in haatan ciidamada Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS ay gaarayaan 22,000 oo askari balse laga yarayn doonno in ka yar 10,000.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay sii xoojiyay kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada sugidda Amniga Dalka, Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in ay qaadeen tallaabooyin la mahdinayo waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan soo gabagabaynay Wajigii 1aad & 2aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS oo ka kooban 2,000 iyo 3,000 oo askari in la dhimo, 24ka Juun waxa aan rajaynaynaa dhimis kale taas oo wadarta ka dhigaysa in ka yar 9,500 oo askari” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa howlgalkooda Soomaaliya soo billaabay horraantii sanadkii 2007dii waxaana dalkii ugu horreeyay ee ciidankaas soo diray uu ahaa Uganda inkasta oo markii dambe ay kusoo biireen Dalal kale oo ay kamid yihiin kuwa deriska ah.

WARARKA