spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo si kulul u canbaareysay dowladda Itoobiya, iyo jawaabta Ethiopia

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ee ka qayb galayey shirka midowga Afrika ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, ka dib markii ismaandhaaf xagga amaanka ah u soo dhex galay ayaga iyo saraakiisha amniga ee Itoobiya.

Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku eedeysay Itoobiya inay is hortaag ku samaysay wafdigooda inay galaan xarunta shirka midowga Afrika uu ka dhacayey.

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay dhacdadaas ka caraysiisay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka isgaarsiinta ee Itoobiya ayaa sheegay

Jawaabta Itoobiya

“Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid midowga Afrika.

Maadaama aan nahay dalka marti galinaya, xukuumadda Itoobiya waxay mas’uul ka tahay amniga madaxweyneyaasha iyo madaxda dawladaha inta ay dalka joogaan.

Wafdiga Soomaaliya waxay diideen in la siiyo ciidanka amniga ee dawladda. Intaa waxaa dheer in ciidanka amaanka ee ee Soomaaliya ay isku dayeen in ay xarunta Midowga Afrika la galaan hub, taasna waxaa is hor taagay ciidanka amaanka amaanka ee midowga Afrika.

Itoobiya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato deriskeeda”.

Taasi waxay ahayd jawaabtii ay Itoobiya ka bixisay eedeynta ay Soomaaliya ku eedeysay in ay iska hor taagtay wafdiga madaxweynaha inay galaan madasha uu ka dhacayey shir madaxeedka Midowga Afrika.

Sidee madaxweynaha Soomaaliya ku tegey xarunta shirka

Arrintan ayaa timid ayadoo wafdiga Soomaaliya ay sheegeen in uu jiray dareen xagga amniga la xiriira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore u sheegay in askar hubaysan ay hoteelkiisa joogeen. Wuxuu intaa ku daray in ay noqotay inuu soo raaco gaadiidka madaxda kale ee shirka ka qayb galaysa.

“Saaka markii aan isku diyaariyey in aan imaado kulanka albaabadu u xiran yihiin ee shir madaxeedka, ciidanka amaanka ee Itoobiya ayaa is hortaagay halkii aan mari lahaa. Waxay ii diideen in aan hoteelka ka soo baxo, oo aan gaadiidkeyga ku aado halka uu shirku ka dhacayey.

Wakhti dheer ayey igu qaadatay in aan halkaas joogo, ugu dambayntiina waxaan ku imid gaadiidka madaxweyne kale. Mar kale markii aan nimid xarunta midowga Afrika, annagoo laba madaxweyne ah, madaxweynaha Jabuuti iyo aniga ayaa mar kale nalaka hor istaagay in aan galno xarunta midowga Afrika. Askar qoryo wadata ayaa horteenna istaagtay, waxayna noo diideen in aan halkan gudaha u galno.

Dhaqankaas ayaa ahaa kii aan ka aragnay, kaligeyna ma ahayn ee madax oo kale oo sidaas oo kale loo galay ayaa halkaa joogay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu intaa ku sii daray in muhiimaddu ay tahay waxa ay itoobiya samaynayso ee aysan ahayn hadallada “fiican” ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Maxaa khaldamay

Cahdiga Geneva (Geneva convention) ayaa si faahafaahsan uga hadlaya borotokoolka xagga amniga ee madaxda sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi Kaboole oo arrimaha amniga ka faallooda.

“Amniga guud waxaa mar kasta mas’uul ka ah dalka martida loo yahay, laakin martida qudhoodu waxay xaq u leeyihiin in ay arrimaha amaanka ee madaxdooda kala hadlaan dalka ay booqanayaan” ayuu yiri kaboole.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay haysteen fursad ay uga munaaqashoodaan arrintaas.

“Xaaladda hadda taagan waan fahmi karnaa in aysan saamaxayn, laakin Geneva convention ayaa Soomaaliya u ogolaanayey in ayaga iyo ciidanka amaanka ee Itoobiya ay ka wada fariistaan amniga madaxweynaha Soomaaliya, ayna isla meel dhigaan sida uu qorshihiisa noqonayo” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu dhaliilay in askar hubaysan ay tagaan hoteelka uu degganaa madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya waxay midowga Afrika ka dalbatay in “si degdeg ah loo sameeyo baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax banaan” oo lagu sameeyo falka ay soomaaliya ka carootay.

Soomaaliya waxay ku tilmaantay arrintan in ay ku xadgudbayso shuruucda caalamiga ah iyo dhaqanka soo jireenka ah ee midowga Africa

Arrintan ayaa keentay in saacado gudahood xiisad ba’an oo isugu jirta amniga iyo borotokoolka ay cirka isku shareerto. Midowga Afrika weli kama hadlin xiisaddan

WARARKA