spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Guurtida oo Maanta ansixiyay xeerka doorashooyinka Soomaaliland.

Sabti 17 Feb-2024 {HMC}  Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa markale cod caqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Soomaaliland ee Xeer Lr. 91.

Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa meel mariyay xeerka doorashooyinka ee uu madaxweyne Muuse Biixi dhawaan dib ugu soo celiyay golayaasha sharci dajinta kadib markii qodobada qaar lagu kala aragti duwanaaday.

 

“Doorashadii qabsada, madaxweynahana waa ka diyaar, anagana naga soo bax, milicna looma dhigin roobna looma dhigin xeerka” Xildhibaan Shaadh oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa Warbaahinta u sheegay.

 

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ayaa hore u ansixiyay xeerka, lakiin waxay soo kala saareen laba nuqul oo kala duwan marka ay noqoto qodobada qaarkood, taasi oo sababtay in madaxweynuhu uu dib usoo celiyo.

 

Markale Golaha Wakiilada ayuu xeerku mari doonaa, iyada oo laga warsugayo hadii ay markale diidi doonaan qodobadii la isku haaystay iyo kuwa kale oo laga yaabo in ay so baxaan.

WARARKA