spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Dar-dargalineysa arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aagga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah iyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad, ayaa dhankiisa tilmaamay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa, isla markaana ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

Soomaaliya ayaa dooneysa in ay qeyb weyn ka noqoto ganacsiga xorta ah ee qaarada Afrika iyo meelo kale oo ka baxsan, si ganacsatada Soomaaliyeed xor ugu noqdaan sare u qaadista ganacsigooda meelo ka baxsan Soomaaliya.

WARARKA