Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Itoobiya

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya & wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, isaga halkaas kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Magaalada Addis Ababa uga qeyb veli doona shirar ay yeelanayaan Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka ku Midoobay Ururka Dhaqaalaha Bariga oo dhawaan aan ku biirnay.

WARARKA