Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo iyo ujeedka socdaalkiisa.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka u ah Maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo haatan waxaa ka socda, qabanqaabada soo dhawaynta Madaxwaynaha, iyadoo amniga magaalada si wayn loo adkeeyey.

Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaasi oo sugaya ammaanka, waxaana sidoo kale Masuuliyiinta mamaulkaasi ay sugayaan soodhaweynta Madaxweynaha.

Madaxwaynaha ayaa ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan oo la xiriira xaaladda dalka la qaadan doona madaxda sare ee dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

WARARKA