spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa laga yaqaan askarigii fuliyay weerarka xerada Jenaraal Gordon.?

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Afar maalin kadib weerarkii nin hubeysan uu ku qaaday xerada Janaraal Gordon ee saraakiisha Imaaraatka ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya, weli waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta sida weerarka u dhacay iyo qofka fuliyay ee ka midka ahaa ciidamada la tababarayay.
Weerarka waxaa ku dhintay afar sarkaal oo sare oo tababari jiray ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo u kala dhashay Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn iyo saraakiil iyo askar Soomaali ah oo ku sugnaa xerada.
Saraakiisha la dilay waxaa ka mid ah Maxamed Al-Mansouri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta.
Laakiin dowladda Soomaaliya ma faahfaahin tirada rasmiga ah ee saraakiisha Soomaalida ah ee ku geeriyooday ama ku dhaawacmay weerarkaas.
Weerarka xerada Janaraal Gordon waxaa fuliyay mid ka mid ah ciidamada la tababarayay ee xerada ku xareysnaa.
Ninkaas oo aysan dowladda Soomaaliya shaacin magaciisa waxa uu horey uga soo goostay kooxda Al-Shabaab, sida ay BBC iyo wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen saraakiil dhowr oo qaarkood ay horey u maamuli jireen tababarka ciidamada Soomaalida.
Sida ay faahfaahiyeen saraakiil qaabilsan tababarka iyo qorista ciidamada iyo xubno sirdoon, ninka weerarka geystay waxaa laga soo qoray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo ka mid ah goobaha kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay saameynta weyn.
Saraakiil ka tirsan guddiyada qorista ciidamada waxa uu sheegay in uu ninka weerarka geystay uu ka mid ahaa dhalinyaro si boobsii ah looga soo qoray Xudur si loogu biiriyo ciidamada dowladda.
Kadib markii laga soo qoray Xudur, waxaa muddo kooban ninkan weerarka geystay iy askar kale ba lagu hayay magaalada Muqdisho kahor inta aanan loo sii qaadin tababar ciidan oo ay ku galaan Uganda.
Halkaas oo uu joogay muddo dhowr bil ah ayuu kusoo qaatay inta ugu badan tababarka ciidanka. Isaga oo kusoo noqday Xamar kadib tababarkaas.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, oo ay tilmaameen in uu fuliyay qof iyaga ka tirsan.

WARARKA