spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada DFS oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

Talaado 13 Feb-2024 {HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka

 

Howlgalladan ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyay deegaano ka dhaca bariga gobolkaas, kuwaas oo kala ah Cali Candhoole, Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo kuwa kale

Inta ay socdeen howlgallada, ciidamada ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabuleen A.S, waxayna ka guuleysteen inay fashiliyaan weeraradaasi

 

Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saareen tiro Miinooyin ah oo A.S ay dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka ah iyo sidoo kale ciidamada howlgallada wada

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen fariisimo ay xubnaha A.S ku lahaayeen dhammaan deegaanada howlgallada laga fuliyay ee gobolka Galgaduud

 

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay weli howlgalladu sii socdaan, ayna isku fuliyeen dhulka howdka ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka kooxda A.S

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobollada dhexe oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlgallo culus

 

 

WARARKA