spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ku dhacay Ciyaar yahankaan oo geeriyooday isaga oo garoonka ku jira?

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Ciyaaryahan kubadda cagta ah oo u dhashay dalka Indonesia ayaa dhintay, kaddib markii biriq ama jac ku dhacday xilli uu garoon ku dhax jiray una ciyaarayay kooxdiisa, taa oo garoonka dhaxdiisa ka abuurtay murugo badan.

Garoonka Wiliwangi Stadium ee gobolka West Java ayaa mar qura dadkii iyo ciyaartoydii ku sugneed waxaa hareeyay murugo xooggan, kaddib markii xiddig 36-sanno jir ahaa isaga oo ciyaaraya biriq kula dhacday garoonka.

Warbaahinta dalka Indonesia ayaa ku warantay in ciyaar u dhaxeysay FC Bandung iyo FBI Subang murugo isku bedeshay, waxa ayna baahiyeen in ciyaaryahanka markii biriqda ku dhacday kaddib uu nuux nuuxsanayay ,inkastoo daqiiqado kaddib uu geeriyooday.

Dhacdadan ayaa noqoneysa markii labaad oo sannad gudihiisa garoon dhaxdiisa biriq kula dhacdo ciyaaryahan gudaha Indonesia, waxaana ciyaaryahan da’yar ah oo katirsan kooxda Bojonegoro biriq kula dhacday garoonka, inkastoo uu dhimasho ka bad baaday xidigaasi.

WARARKA