Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland oo ku sugan buuraha silsiladda Golis ee gobolka Bari ayaa sameeyay gadood, waxa ayna ciidamadan ka cabanayaan mushaar laโaan dhowr bilood lasoo daristay.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal laga soo duubay ciidamadan katirsan Daraawiishta Puntland ee ka cabanaya mushaar laโaanta, waxa ayna sheegeen in qarka u saaran yihiin in furumaha dagaalka kasoo baxaan haddii aan arintooda wax laga qaban.
Mid kamid ah saraakiisha ciidanka gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay ka maqan tahay xaquuqdooda muddo 7-bilood ah, isagoona ugu baaqay madaxda Puntland in arrintooda hoos u eegaan ayna siiyaan mushaarka ka maqan.
โWaxaanu nahay ururka 7-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku sugan buuraha silsilada Golis waxan doonaynaa in aan ogaysiino masโuuliyiinta dowladda in aanan helin xuquuqdii aan lahayn annaga oo ku jirna difaaca dalkaโ ayuu yiri sarkaalka .
Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa marar badan deegaanno kala duwan ka sameeyay gadood, waxa ayna ciidankan inta badan ka cabanayaan mushaar laโaan bilooyin lasoo daristay, iyadoona maamulka madaxweyne Deni ku fashilmay bixinta mushaarka ciidanka.