Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Puntland Oo Howlgal Gaar ah ka Wado Magaalada Bosaaso.

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Ciidamada Amniga Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka sameeyay hawlgal ay ku tilmaameen mid amniga lagu xaqiijinayo.

Waxaa Hawlgalka laga fuliyay bartamaha magaalada iyo xaafadaha qaarkood iyadoo lagu raafay inta badan dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ee magaaladaas ku sugnaa

Oromada laga raafay Boosaaso oo la sheegay in la iskugu geeyey goobo gaar ah qaarkood ayaana ka baxsaday gacanta laamaha Amniga iyagoo magaalada dib ugu laabtay

Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala Puntland ayaa muddooyinkii danbe aad ugu sii badanayay gudaha Boosaaso.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu qabqabtay shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu tuhmayo falalka ka dhacay Boosaaso oo ay ku soo bateen dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan.

 

WARARKA