Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sidee xalay waxa uga dhaceen xerada tababarka ee Janaraal Gordan?

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Weerarkii toogashada ahaa ee xalay ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay, sida lagu sheegay war kaso baxay wasaaradda difaaca dawladda Imaaraadka.

Warka ayaa intaas ku sii daray in saraakiishu ay u kala dhasheen Imaaraadka Carabta iyo waddanka Baxrayn.

Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin.

Saraakiil iyo askar qabta dhaawacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniba ayaa iyana la sheegay in la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka

Fiidnimadii xalay ayaa askari hubaysan oo kamid ahaa ilaalada xerada ciidamada ee Janaraal Gordan waxa uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil sarasare oo ay ku jiraan tababarayaal ajanabi ah, waxaa sidaasi wakaalada Wararka Reuters Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo shaqaalaha isbitaalka.

“Askariga ayaa rasaas ku furay tababarayaasha Imaaraadka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya markii ay salaadda galeen,” ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa kusoo koobay Axmed oo la hadlay wakalada wararka Reuters.

Askariga weerarkaan fuliyay oo horey uga soo goostay kooxda Al shabaab ayaa isna goobta lagu toogtay, sida saraakiil sare u sheegeen Reuters.

“Waxaan fahamsanahay in askariga uu ka goostay Al-shabaab ka hor inta aan loo qorin ciidanka dowladda Soomaaliya ee Imaaraadku tababaro,” ayuu sarkaalka sare u sheegay Reuters.

Wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in saddex ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn lagu dilay “fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya, xilli ay tababarayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta oo lagu daabacay bogga wakaalada wararka Imaaradka Carabta ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, halka ay dhaawaca yihiin labo kadib fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”.

Marka laga yimaado qoraalka kooban ee Wasaaradda difaac Imaaraadka ma aysan bixin faahfaahin kale oo weerarka ku sabasan, balse waxay sheegtay in Imaaraadku uu sii wadayo xariirka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya si loo baaro” falkaas.

WARARKA