Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo xirtay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso

Arbaco, , 7-Feb- 2024 {HMC} Qaar kamid ah ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeybtooda kasoo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta.

 

Ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas kusoo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

 

arintan ayaa imaaneyso xilli magaalada Boosaaso uu maanta ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal katirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

 

Gaari uu la socday taliyaha ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu qariyo. Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso ay sheegteen kooxda Alshabaab.

 

Magaalada Boosaaso oo amnigeeda aad laga deyrinayaa xilli laamaha ammaanku ay dhawaan sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin amni oo lagula dagaalamayo kooxaha Shabaab iyo Daacish.

 

WARARKA