spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Itoobiya oo qabatay Shidaal loo waday Jubbaland Soomaaliya

Arbaco, , 7-Feb- 2024 {HMC}  Dowladda wadanka Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay shidaal badan oo laga bixinayay Dowlad degaanka Soomaalida loona waday Jubbaland Soomaaliya, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook ku leeyihiin Ciidamada Millitariga Itoobiya.

 

Shidaalkan ayay Ciidamadu sheegeen inuu dhanaa ilaa 30 foosto oo shidaal ah, kaas oo lacagtiisa lagu qiyaasay ilaa 750,000 oo Birr, waxay Ciidamada Itoobiya sheegeen in shidaalkan laga qaaday degmada Doolow ee gobolka Afdheer loona waday Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland, iyadoo shidaalkan uu waday gaari laga leeyahay Dowlad degaanka Soomaalida lambarkiisuna yahay 3 SM 05459.

 

sidoo kale Dowladdu waxa ay sheegtay in ganacsatada howlahan ka shaqaysta ay qayb ka yihiin sicir bararka ka jira guud ahaan dalka Itoobiya, sidaas darteedna aysan ka baxsan doonin gacanta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda dalku la leeyahay dalalka deriska ah, waa siday hadalka u dhigtay Dowladda Itoobiya.

 

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida ayaa xilliyo hore waxaa lagu eedeeyay in shidaalka iyo lacago kaleba laga tahriibiyo, iyadoo wakhtigaasna xukuumadda degaanka Soomaalidu ay qaaday tallaabooyin lagu xakamaynayo shidaalkaas sida sharci darrada ah uga baxayay degaanka Soomaalida.

 

dhulka Degaanka Soomaalida ayaa waxaa uu xad dheer la leeyahay Soomaaliya waxaana inta badan dhacda in labada shacab ee labada dhinac kala deggan inay isweydaarsadaan wixii ganacsi iyo khayraad kaleba ah, inkastoo marar badan ay dhacdo in Itoobiya lagu qabto alaabta ay dadku kasoo gashadaan wixii ka baxsan gudaha dalka Itoobiya, taas oo ay ugu yeerto Kootarabaan.

WARARKA