Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Abwaankii Sameeyay Heesta Birmade Xasan Shiikh oo Lagu Xiray Hargeysa.

Arbaco, , 7-Feb- 2024 (HMC)  Abwaan Cabdirizaaq Axmed Geedi Aakhiro oo ah Abwaankii sameeyay heesta Birmade Xasan Shiikh oo loo qaaday ololihii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu xiray Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland sida ay sheegeen ehelkiisa.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga sababta loo xiray Abaanka balse ciidamada Soomaaliland ayaa ka qabteen garoonka diyaaradaha hargeysa 31- Janaayo 2024 kuwaas oo ilaa hada ku haayo xabsi mana jirto wax maxkamad ah oo la horgeeyay.
.

In kabadan 20-Sano ayuu Macalin ka ahaa Magaalada Hargeysa Cabdirizaaq Axmed Geedi Aakhiro inta uu san u so wareegin Magaalada Muqdisho oo uu mudooyinkii danbe Daganaa.

Ujeedka uu u tagay Abwaan Aankhiro Magaalada hargeysa ayaa aheyd in uu ka qeyb galo tacsida wiilkiisa Zakariye Cabdirizaaq Axmed Geedi oo halkaas ku geeriyooday .

Abwaan Cabdirizaaq Axmed Geedi Aakhiro ayaa had aka tirsanaa Gudigga Suugaanta Soomaaliya, waxana uu sidoo kale macalin ama bare ka ahaa Jaamacadda Umadda

 

WARARKA