Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maraykanka oo wada qorshe heshiis xabbad-joojin ah looga gaarayo dagaalka Gaza

Arbaco, , 7-2- 2024 (HMC) Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka Gaza

 

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maalinta Arbacada ah

 

Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil. Madaxweyne Biden oo ku sugan Washington ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaabta Xamaas ay tahay “mid xoogaa saayid ahi uu la socdo”, hase ahaatee la sii wadi doono wada-xaajoodyada

 

Xoghayaha ayaa wadahadalo la yeeshay hoggaamiyayaasha Qatar iyo Masar, xilli ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza, isla markaana ay tahay in kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza

 

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka shaqeeyey heshiis xabbad-joojin ah, kaas oo haatan laga wada xaajoonayo, waxaana ku jira in muddo toddobaadyo ah la xakiyo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista la haysto.

WARARKA