spot_imgspot_imgspot_img

Dowladdaha Iran iyo Mareykanka oo qarka u saaran inuu dagaal dhex-maro.

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Dowladda Iran ayaa Isniintii maanta ah sheegtay in aysan “ka waaban doonin” in ay ka jawaabto haddii ay dhacdo weerarrada Mareykanka uu ku qaado dalkeeda ka dib markii Aqalka Cad uu ka gaabsaday in uu sheego in weerarrada Iran ay meesha ka saareen iyo in kale.

 

Jake Sullivan,oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa sheegay Axaddii in Mareykanku uu ku adkeysan doono weerarrada ka dhanka ah kooxaha ay Iran taageerto ee Ciraaq iyo Suuriya.

 

Xiisadaha gobolka ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii uu qarxay 7-dii October dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza, kaasoo ay ku lug lahaayeen kooxaha mintidka ah ee Ciraaq, Suuriya, Yemen iyo Lubnaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen shan gantaal oo laga soo tuuray Yemen Axadii.

Duqeymaha ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Mareykanka iyo UK ay qaadeen mowjado duqeymo ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen — wajigii saddexaad ee dhaq dhaqaaqa militari ee wadajirka ah ee looga jawaabayoweerarada joogtada ah ee fallaagada ee maraakiibta.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay ka wadaan Badda Cas ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Milateriga Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii illaa Sabtidii duqeymo ka geystay goobo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq,halkaasoo ay ku dileen dad rayid ah oo ku sugnaa labada dal.
Iran oo ay weheliyaan Ciraaq iyo Suuriya ayaa cambaareeyay duqeymaha Mareykanka.

WARARKA