spot_imgspot_imgspot_img

Horjooge Caamir Axmed oo ka tirsanaa AS oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Caamir Axmed Wajaan oo in muddo ah ka mid ahaa AS ayaa maanta Isku dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Ceel-dheer iyo Masagawey sida ay warbaahinta u xaqjiyeen Saraakiisha Ururka 85-aad ee Guutada 77aad ee XDS.

Sanadkii 2016 ayuu Degmadda Galcad uga biiray Kooxda, waxuuna gaari u wadi jiray nin ku magacaawnaa Galcad oo magaciisa loo yaqaano Basmo.

Waxuu sheegay inay u adkaysan waayeen weerarada qorshaysan ee Diyaaradaha Dagaalka ay fuliyaan iyo Howlgallada ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka, taas oo ku kaliftay inuu Isku soo dhiibo Ciidamada Dowladda.

WARARKA