spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo Baydhabo kusoo dhaweeyay Wakiilka Cusub ee UNSOM

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu Hogaaminayo

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dmaamulka Koonfur Galbeed, taageerida mashaariicda hormarineed, amniga, siyaasada iyo arimaha bini’adannimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-Simaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna

gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.

Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uga howl bilaabo magaalada Baydhabo, waxa uuna xoojin doonaa xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka Laftagareen iyo UNSOM.

WARARKA