Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gudoomiye Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Waxaa looga hadlay shirka xoojinta Amniga Caasimadda, Bilicda & Nadaafadda iyo sare u qaadida Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo maamulada degmooyinka ka warbixiyeen kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo Adeegyada loo haayo Bulshada caasimadda.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka.

WARARKA