spot_imgspot_imgspot_img

Iran oo saraakiisheeda kala baxeysa dalka Suuriya

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Iran ayaa kala baxaysa taliyayaasha ugu sareeya Ilaalada Kacaanka ee dalka Suuriya ka dib markii ay soo bateen weerarrada ay Israa’iil ee dhanka circa ah ee lagu hoobtay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha ammaanka Iran ayaa sheegtay in taliyayaasha ay la baxeen tobonaan sarkaal oo ah kuwa dhexe.

Warbaahinta Iran ayaa sidookale sheegtay in Tehran aysan si buuxda uga baxeyn Suuriya, balse hadda ay maareyn doonto howlgallada halkaas ka socda, iyadoo gacan ka heleysa maleeshiyaadka Shiicada ah ee isbaheysiga la ah.

Tan iyo bishii Disembar, duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan lix xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran.

Weerarkii ugu dambeeyay ee labo todobaad ka hor dhacay ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay afar qof oo Iranian ah oo ay ku jiraan labo sarkaal oo sare.

WARARKA