Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{AKHRISO} Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuuceysa Bacaha

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC}  Wareegtada kasoo baxday Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa lagu sheegay in isticmaalka Bacaha halka mar ay halis ku yihiin deegaanka.

 

Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka ganacsiga Bacaha fudud.

 

Qoraal dheer oo laba bog ah oo ay soo saartay Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 30 Juun ee sanadkaan 2024-ka aanan laga soo dajin karin dalka, lagana ganacsan karin isticmaalka bacaha fudud.

 

Wareegtadaan kasoo baxday Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Bacaha halka mar la isticmaalo si weyn looga isticmaalo guud ahaan deegaanada dalka Miyi iyo Magaalaba.

WARARKA