Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka oo soo bandhigay Maxamed Najiib oo ka tirsanaa A S

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna dhiibay ciidanka dowladda.

Maxamed Ibraahim oo Magaca afgarashada Al Shabaab loo yaqaano {Najiib} ayaa isku soo dhiibey taliska Guutada 8-aad ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Maxamed Najiib oo Muddo 3-Sanno ah Al Shabaab u qaabilsanaa Jabhada , ayaa ka qayb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Laamu iyo Mandheera ee dalka Kenya .

Maxamed Ibraahim ayaa Saraakisha ciidamada u sheegay In tababar uu ku soo qaatey degmada Saakow ee gobalka Jubadda Dhaxe ee Somalia, isaga oo Saaxibadiisa kale ee ku jira Al Shabaab ka codsadey in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda .

WARARKA