Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhowr qof oo meydadkooda laga helay saxaro ku yaala Mareykanka

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Booliska ayaa xabsiga u taxaabay shan qof kadib markii dhowr meydad ah laga helay saxaraha fog ee Mojave oo ku yaala koonfurta gobolka California.

Meydadka dad gaaraya ilaa lix qof ayaa la helay, kuwaas oo la toogtay.

Baaritaanada Isniinti laga helay xafiiska magaalada San Bernardino ayaa muujinaya, inay u muuqato inuu muran ka dhashay wax lala xirriirinayo xashiiska loo yaqaano Marijuana.

Afar kamid ah dadka la dilay ayaa wejiyadooda la aqoonsaday, sida uu booliska sheegay.

Meydadka dadkaas oo dhamaantood ahaa rag, ayaa la helay 23-kii bishii January, waxaana laga helay meel u dhow waddada El Mirage, oo ku taala maamulka San Bernardino.

Dhamaan dadkaas ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray toogasho, sida ay sheegeen booliska.

WARARKA