Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciyartoyda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamul Goboledyada dalka

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Xulka maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho

 

Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug

 

Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho

 

Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah

 

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho

 

Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug

 

WARARKA