Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Raisedon Zenenga oo loo magacaabay ku-xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya .

Ergaygan cusub uu magacaabay António Guterres ayaa bedelaya Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay dalka Ghana, taa oo dhawwaan dhameesatay muddo xileedkeedii, waxaana la filayaa in ergaygan cusub uu soo gaaro Soomaaliya si uu shaqadiisa cusub u bilaabo.

Raisedon Zenenga ayaa soo noqday ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Diblumaasigan u dhashay dalka Zimbabwe ayaa ah khabiir dalal badan uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay muddo ka badan 30-sanno, waxa uuna shaqooyin kasoo qabtay dalal ay ku jiraan Liberia, Liibiya, Ciraaq,Kuweyt, Sierra Leone iyo Koonfurta Suudaan.

WARARKA